Maxkamadda Racfaanka gobol Nugaal ee Maamulka Puntland,ayaa dil ku xukuntay 3-dii nin ee loo haystay kiiska Caaisha Ilyaas aadan iyadoo ku raacday xukunkii hore ee maxkamadda derejada koowaad ee magaaladda Garoowe.
Qareennada ragga la xukumay ayaa qaatay Racfaan kale oo 30 beri ah, waxaana loo gudbi doonaa maxkamadda sare ee Maamulka Puntland.
Dhageysiga kiiska Caaisho Ilyaas aadan ayaa mudooyinkii dambe ka socday Maxkamadda Magaaladda Garoowe,waxaana horey Xukun dil ah u riday maxkamadda derejada koowaad ee Garoowe.

