Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa soo bandhigtay magaca iyo sawirka sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.
Sarkaalkaan oo diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho ayaa shabaab u qaabilsanaa dhanka qeybta Jabhadaha,waxaana magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey).
Qoraal lasoo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.
Mukhtaar Ganeey ayaa kasoo jeeda deeganadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana haatan lagu hayaa mid kamid Xarumaha NISA.

