Laamaha dambi baarista somaliya ayaa saacado kahor xabsiga dhigay 5 masuul oo ka shaqaynayay garoonka diyaaradaha muqdisho.
Masuuliyiintan oo lagu hayo xarunta CID ee muqdisho ayaa kala ah madaxii canshuuraha qaadka, madaxii qaybta xisabaadka garoonka diyaaradaha muqdisho iyo masuuliyiin kale oo 3 saddex ah, kuwaas oo dhamantood lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Amarka lagu xiray masuuliyintan waxaa bixiyay sida wararku sheegayaan taliska xarunta baarista dambiyada.
Waxaan wararku sheegayay inay jiraan dhowr qofood oo kale oo labaadi goobayo kuwaas oo lala xiriiriyay inay ku lugleeyihiin arimo laxiriira musuq masuq iyo wax is dabamarin.
Xarigooda ayaa yimid kadib markii maanta uu garonka diyaaradaha muqdisho uu tagay wasiirka maaliyadda somaliya.

