Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Xiran

0

Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Isgoyska Ex kontorool Afgooye,wadada ka timaada Degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley ee timaada Isgoyska Banaadir iyo Wadadda Makka Almukuramah ayaa gabi ahaanba xiran waxayna dadka adeegsanayaan lugtooda.

Wadooyinka xiran waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u fara badan oo ka Tirsan kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya

Sababaha wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu maanta dhagax dhigayo Dhismaha Mashaariicda ay Dowladda Qadar ka fulineyso Soomaaliya sida dhimaha Wadooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here