Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay degmadda Hodan gaar ahaan inta u dhexeysa hotelka Karmel iyo isgoyska Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa ahaa nooca Soomalida u taqaano Qooqan.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay Qaraxaan iyo qofka watay gaarigaas ee qaraxa loogu soo xiray

