Taliye Macalin Daahir oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho!!!

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay Muqdisho loogu geystay Mid kamid ahaa Taliyayaasii Booliska saldhigyadda Gobolka Banaadir.

Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha Degmadda Warta Nabadda Ee Gobolka Banaadir waxaana Taliyaha la dilay uu ahaa Taliyihii Saldhiga Degmadaas.

Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin waxaana la sheegay in rag hubeysan ay toogteen isaga oo wata gaari kuwa Raaxadda ah.

Dhanka kale Maamulka Degmadda Warta Nabadda ayaa ka tacsiyeeyay Geeridda Taliyaha.

Gudoomiyaha Degmadaas Saynab Xaabsey ayaa sheegtay in ragg hubeysaaa ay toogteen islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

“Ala Ha unaxariisto Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Wartanabadda Macalin Daahir oo gacan ka xaq daran ay saakay dishay, waxaan rajeyneynaa in gacanta lagu soo dhigo dambiilayaasha”. ayay tiri Guddoomiyaha Degmada Wartanabadda Seynab Xaabsey.

Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay Mas”uuliyadda dilkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here