Dowladda Oo Xalay Ilaa Saakay Ciidamo Cusub Ku Daadisay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

0

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa Saakay Xiray Qaar kamid ah wadooyinka muhiimna Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa Xalay ilaa Saakay ciidamo badan kusoo daabuleysay wadoooyinka halbowlaha u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha Muqdisho.

Wadooyinka Saakay xiran ayaa waxaa kamid ah wadada mashquulka badan ee Maka Almukarama, iyo wadooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gobalka.

Isgoysyada Saakay Xiran Waxaa Kamid Ah

  1. Isgoyska Soobe.
  2. Isgoyska banaadir.
  3. Ex koontarool Afgooye
  4. Isgoyska Danwadaagta
  5. Isgosyka Ceelgaabta
  6. Isgoyska Tarabuunka.

Saraakiisha amaanka ayaa Simba u sheegay sababa ka dambeeya xiritaanka Saakay wadooyinka dhax mara degmooyinka gobalka Banaadir, iney tahay dabaal daga Sanad Guuradii kasoo wareegtay 75 Sano kadib aas aaaska ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamada lagu daadiyay wadooyinka Magaalada ayaa ah kuwa aad u feejigan, oo sugaya amaanka madaxda ka qeyb galeysa munaasabadaasi loogu dabaal dagayo markii Dhidibada loo taagay ciidamada Booliska soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here