Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa hadda waxaa ka soconaya bananbax lagu taageeerayo Dowlada Qatar islamarkana looga dalbanaayo iney dadajiso dhismaha Dakada Hobyo.
Banaabax ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo bulshada hobyo, waxaana laga dareemaya gudaha degmada isku soo baxyada boqolaal shacab magaalada ku nool.
Inkasto aysan aheyn markii ugu horeysay oo shacabka hobyo ay Dowlada Soomaaliya iyo Qatar ka dalbadaan dhismaha Hobyo haddane waxaa jirin qaban qabo lagu dhisayo dakada magaalada hobyo.





