Al shabaab kaalintee Ka Galeen Mintidiinta Caalamka Iyo Meeqa Ayaa Ku Dhimatay Somaaliya 2014 2016 2017

0

Warbixin uu dhawaan soo saaray machadka dhaqaalaha iyo nabadda ee waddanka Australia ayaa lagu sheegay in waddanka Somalia uu safka hore kaga jiro waddamada ugu argagixisada badan caalamka.

Machadku wuxu sanadkan 2018 soo saaray liis dheer oo ka kooban 138 waddan, waxaana waddamadaas hogainaya Iraq, Afghanistan, Syria, Pakistan iyo Nigeria, halka uu waddanka Somalia kaga jiro kaalmaha sare iyadoo warbixinta uu machadku soo saaray lagu sheegay in ay ka jiraan weeraro argagixiso oo qatar badan.

Somalia waxaa ka dagaalama xarakada Al Shabab oo loo arko inay tahay mid kamid ah dhaqdhaqaaqyada ugu qatarta badan caalamka.

Marka laga soo tago waddanka somalia waxa ay warbixintu shaacisay waddamada kale ee qaaradda Africa islamarkaana ay qatarta argagixiso ka jirto waxaana kamid ah waddamadaas:- Nigeria, Egypt, Democratic Republic of Congo, Libya, South Sudan, Central African Republic, Cameroon, Sudan, Kenya.

Waxa sidoo kale warbixinta uu machadka dhaqaalaha iyo nabadda Australia soo saaray lagu sheegay in tirada dhimashada Weerarada argagixiso ee Somalia ay kordheen 93% sanadkii 2017.

Dhimashada ka dhalato weerarada argagixiso ee gudaha Somalia ayaa sidoo kale sare u kacay, sanadkii 2016 waxa ay ahaayeen 762 qof halka sanadkii 2017 ay gaarayaan dadka weerarada argagixo ku dhintay ay gaarayaan 1,470.

Tirada weerarada argagixiso ee Somalia ayaa sido kale sare u kacay 49% sanadkii 2017, sanadkii 2016 waxa Somalia ka dhacay 248 weerar halka sanadkii 2017 ay ka dhaceen Somalia 369 weerar.

92% weerarada ka dhaco Somalia oo loo adeegsado qaraxyo iyo ismiidaamin waxaa mas’uuloyadooda sheegato xarakada Al Shabab.

Inta badan weeraradaas waxay ka dhacaan magaalooyin ku yaallo waddanka Somalia oo ay ugu horeyso magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkii 2017 ka dhacay weerarkii ugu xumaa ee abid ka dhaca geeska Africa waxaana ku nafwaayey weerarkaas in ka badan 588 qof halka dhaawacyo kasoo gaareen in ka badan 300 oo qof, walina aysan jirin cid sheegatay masuliyadisa.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Al Shabaab ay weerareen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Amisom iyo ciidamada Dowladda Somalia waxaana ay weeraradaas ahaayeen kuwo sii kordhayo wixii ka dambeeyey sanadkii 2014.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in Al Shabaab uu gacanta ku hayo waddooyin iyo dekado muhiim ah oo ku yaallo koofurta iyo bartamaha Somaaliya, waxaana si qaas ah ay warbixintu u tilmaameysaa dekadda Kismaayo iyo magaalooyinka Beydhabo iyo Muqdisho waddada xiriirisa.

Sidoo kale Al Shabab waxa ay weeraro ka geystaan waddamada deriska la ah Somalia ee kala ah Kenya iyo Uganda oo ay Somalia ciidamo ka joogaan.

Al shabaab ayaa sido kale xiriir toos la leh ama hoos taga Hogaaanka Alqaacidda ee caaalamka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here