Taliska ciidamada Sirdoonka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa Maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhawaan lagu qaaday hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay qof kamid ah abaabulayaashii weerarkaasi in ciidamada Nisa gacanta ay ku dhigeen, balse taliska ayaa Warbaahinta la wadaagin magaca ninkaasi.
Xarakada Al shabaab ayaa 9kii Bishii Noverber weerar saddex qarax ku bilawday ku qaaday Hotel saxafi oo ay dagan yihiin masuuliyiin, saraakiil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaibta ka howlgala Somaaliya, halkaasi oo ay ku nafwaayeen shacab iyo xubno katirsan dowladda Soomaaliya.
Taliska ayaa sido kale sheegay ninka gacanta lagu soo dhigay in dhawaan lasoo taagi doono maxkamad.
Hotel saxafi ayaa marar badan marti galiyay weeraro dhiig badan uu ku daatay oo Mas’uuliyadiisa ay dhabarka saaratay Xarakada Al shabaab, waxaa lagu dilay sanadkii 2015 Milkiilihii Hotelka iyo xubno katirsan dowladda oo uu ugu tun weynaa Gn. Dhaga-badan oo katirsana saraakiisha ciidanka dowladda.
Bishii Noverber ee sanadkan sidaas oo kale Dagaalyahano katirsan Al shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday hotelka, waxaana ay ku dileen si lamid ah sidii loo dilay aabahiis Ina C/rashiid Shire Ilqeynte.
Xildhibaan Fiqi oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaasi in la doonayay in lagu laayo xubno siyaasiyiin iyo Xildhibaano Muraad ku ah dowladda oo dagana hotel saxafi ee Muqdisho.

