Dumar Faraxsanaa Oo Farxadii Murugo Dhimasho Iyo Dhaawac Loogu Badalay Magaalada Muqdisho +Sawirro

0

Wararka  aynu ka heleyno degmada Hiliwaa ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda ay rasaaas dhimasha iyo dhaawac geysatay ku fureen dad shacab ah oo marayay Xaafada Waxar Cade ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa Simba u sheegay in ciidamo katirsan dowladda ay rasaaseeyeen haween saarnaa gadiid galbinayay Aroos oo Marayay inta u dhaxeysa wadada isku Xirta Isbitaalka Soos iyo Xaafada Waxar Cade.

Inta la xaqiijiyay khasaaraha Dhimashada hal ruux iyo dhaawacyada 6 Dumar ah, kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaaad ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Hiliwaa oo Xiriro aynu la samenay ayaa ka gaabsaday falkan naxdinta leh ee ka dhacay degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Halka Hoose Ka Daawo Sawiradda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here