Markii ugu horraysay Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugusoo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.
Warbaahinta Rasmiga ah ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow uu kawado magaalada Baydhabo.
“Mukhtaar Rooboow ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al Shabaab madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray murtadiin maadaama ay gacal ka dhigteen ciidamada shisheeye sida Uganda, Burundi iyo Kenya balse isaga ayaa intaas oo dhan kasii dheereeye wuxuuna ku hoos jiraa taliska ciidamada Xabashida Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool”
Al shabaab ayaaa sido kale ku sheegay warbixintan iney muuqato in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda isagana hadda laga aaminay kadib markii uu utafa xeytay hoggaaminta maamul Federaal ah uuna galay xeryaha ciidamada Shisheeye”ayaaa lagu yiri warka kasoo baxay Al shabaab.

