Khasaare Ka Dhashay Iska Hor Imaadyo Dhax Maray Shacab Careysan Iyo Ciidamada Amaanka Magaalada + Dhageyso

0

Xiisad kacsanaan ah ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay saraakiil katirsan Ciidamada Nabad sugida Hiiraan oo lagu xir xiray magaaladaasi.

Saldhiga weyn ee Baladweyne ayaa maalmo ka hor lagu xiray saraakiishaasi oo kala ah taliyahii Nabad sugidda gobalka Hiiraan iyo kan Baladweyne , kadib markii ay diideen xilkaqaadis lagu sameeyay.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ganacsatada magaalada ay diideen iney bixiyaan canshuuraha maamulka gobalka oo ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyo xiriga saraakiishaasi Nisa.

Shacabka magaalada gaar ahaan kuwa Ganacsatada Baladweyne ayaa ciidamada Booliska degmada oo doonayay iney aruuriyaan lacagaha canshuuraha, kala hor tagay weerar loo adeegsaday dhagxaan oo markii danbe ciidamada Booliska iyagana ay ridayeen rasaas dadkaasi careysan ay ku kala eyrayeen.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo katirsan Xildhibaanada Hirshabeelle oo la hadlay Raiod Simba ayaa si kulul uga hadlay Xiisada u dhaxeysa ciidamada Booliska iyo shacabka galbeedka magaalada Baladweyne.

Dhageyso: Codka Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax Oo La Hadlay SIMBA

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here