DEG DEG: Howlgalo Xoogan Oo Hada Ka Socda Magaalada Muqdisho

0

Warar dheeeraad aha ayaa laga helayaa ciidamo katirsan dowladda oo baaritaano xoogan hada ka wada degmooyinka Howlgawadaag iyo Hodan iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa dhalinyarada ka qab qabanaya xaafadaha Xamar Jadiid, Calikamiin, Bar-ubax, black sea, Shiirkole, waxaana la arkayaa ciidamada oo wata gadiidka dagaalka , sida uu Simba u xaqiijiyay mid ka mid ah wariyaasha Idaacada ka howlgala oo xaafadahaasi soo wada maray.

Dhanka kale masuuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir o xiriiro aynu la sameynay ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah ka bixiyaan howlgalkan ciidamada dowladda ay kan wadaan degmooyinka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxii Kusoo Kordha Howlgalka Hada Socda Waan Idinla Wadaageynaaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here