Shacabka xaafada Baraxley ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ka
mudaharaaday maleeshiyaad mar kale soo celiyay isbaarooyinkii lagu kala xirayay isku socodka
gaadiidka waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo.
banaan baxayaasha ayaa dhagxaan waaaweyn ku kala qeybiyay dhamaan xaafada magaalada kuwaa oo ku qeylinayay dooni meyno cunaqabateyn waan la dgaalameynaa maleeshiyaadka gadiidka ku xayiray duleedka iyo deegaanada kale Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
shacabka magaalada ayaa ka careysan maleeshiyaad maalmo ku xayiray duleedka Gaalkacyo gadiidka dadweynaha, kuwaa oo iyagana ka cabanaya maleeshiyaadka magaalada gadiidka ka xayiray dad uga xir xiran xabsiyada maamulka Puntland.
Maalmo kahor ayay ahayd markii koox maleyshiyo ah oo Galnudug kasoo jeeda ayaa xiray
wadada laamiga ah ee xiriirka gobolada waqooyiga iyo konfurta waxayna isbaaro u dhigteen
gaadiidka ganacsiga u gooshaya dhinaca Puntland lamana garanayo sababta.





