Xog Ku Saabsan Safarka Madaxweyne Farmaajo Ee Jabuuti + Akhriso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Mudane Farmaajo Safarkiisa Jabuuti ayaa ku qotoma khilaaf hoose oo labada dal ka dhax aloolsanaa maal mahii ugu danbeeyay , kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadal ka soo baxay madaxweyne Farmaajo ee uu ku dalbanayay in beesha caalamka xayiraada dhanka hubka laga qaado Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo khilaafka labada dal ka dhax tolnaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Dowladda Jabuuti ayaa ka carootay hadal kasoo baxay Farmaajo oo taageero ugu muujiyay Eritrea, oo heysta dhul ay leedahay Jabuuti, Jabuutina ciidamadeeda ay ka dagaalamaayaan gudaha Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here