Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya.
Xafiiska Madaxweynaha wareegto ka soo baxday maanta ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan.
| 1. | Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. |
| 2. | S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. |
| 3. | G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. |
| 4. | S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. |
| 5. | G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. |
| 6. | Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. |
| 7. | S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. |
| 8. | G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. |
| 9. | G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda. |
Xilalka cusub ee la magacaabay korna ku xusan ayaa waxaa kamid noqday Fahad Yaasiin oo laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana loo magacaabay ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa ku eedeysan inuu hore uga danbeeyay weerarkii lagu qaaday Hoyga uu Muqdisho ka daganaa Cabdiraxman laguna dilay 6 askari oo Qaranka katirsanaa sida uu xaqiijiyay siyaasi Cabdirahman C/Shakuur.

