Faah Faahin: Khasaaraha Rasmiga Ee Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ciidamo katirsan dowladda oo maanta lagula eegtay agagaarka Xerada ciidanka asluubta ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Simba u sheegay in sadax ruux oo watay gaari nuuca Soomaalida ay u taqaan kaarib qaraxaasi lala beegsaday, waxuuna intaa raaciyay iney jiraan khasaare kala duwan gaaray Xubnaha gaariga qaraxa lagu xiray watay.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Ibraahim Maxamed Rooble oo la hadlay Idaacada Simba ayaa xaqiijiyay in sadax katirsanaa taliska ciidanka Military-ga dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanka Garasbaaleey iyo degmada hodan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyootay sadaxda ruux ee gaariga watay, inkastoo aysan jirin cid cadeyn karta 3-ruux iney ahaayeen ciidamo ama saraakiil katirsan Military-ga dowladda Soomaaliya.

Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay sadax qof ee katirsanaa dowladda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here