Xarakada Al shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxyo gaari iyo dagaal toos ahaa oo ka dhacay Muqdisho.
War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in 12 askari ay ku dishay weerarka islamarkaana ay iyagoo bad qaba dib usoo laabteen qaar kamid ah raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Villa Somaaliya.
“12 askari ayaan ku dilnay weerarka 7 kamid ah ay ahaayeen ilaalada gaarka madaxda dowladda iyo Villa Soomaaliya qaar kamid ah Inqimaasiyiintii weerarka fuliyayna dib ayay ugu laabteen iyagoo bad qaba goobahii markii hore ay ka qaadeen weerarka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay sadax sawir oo ay ku sheegtay iney ahaayeen ragii fuliyay qaraxyo iyo dagaal socday 34 daqiiqo oo lagu qaaday afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Saxaafada ayaa wali toos u helin xuuraansiga dhabta khasaaraha kala gaaray Al shabaab kii weerarka qaaday iyo ciidamadii koofi gaduuda ee koontaroolada ku lahaa wadooyinka soo gala Villa Soomaaliya.
Weeraradii shalay ka dhacay muqdisho ayaa ilaa iminka jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay cadadka khasaaraha hantiyadeed iyo mida nafeed ee uu galaaftay, balse dowladda Soomaaliya Al shabaab ayaa dhanba dhanka kale sheegtay inuu ku itaal roonaaday weerarka tooska ahaa iyo qaraxyadii Muqdisho.

