Kalfadhigiii 3-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xirmay Iyo Waqtiga Uu Furmayo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-ka bishan luulyo.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada laso saaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa fray Kalfadhigan 3-aad ee 10-kii Maarso ee sanadkan.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha, Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here