Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo toogasho ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada muqdisho, waxaana loo adeegsaday sida dadka deegaanka ay sheegeen miino dhulka lagu aasay, walow wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaari marayay agagaarka Xaafada Afizooni ee degmada Waaberi.
Inta la ogyahay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 8 ruux oo goobta ka ag dhawa, sido kale majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa iyo cida rasmiga ee lala beegsaday.
Weerarka labaad ayaa ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha kasoo horjeedka masjidka Dawada ee gudaha suuqa weyn ee bakaaraha, halkaaasi oo lagu toogtay ruux la sheegay inuu ahaa ganacsade.balse aan ilaa hada la cadeyn sababa ka danbeeyay dilkiisa.
Ciidamo katirsan dowladda oo gaaray goobta ayaa ka qaaday meydka ruuxaasi.
Wali majirto qaraxa iyo toogashada ka dhacday muqdisho cid sheegatay.

