Waxaa marba marka kasii danbeysa isoo taraya baaqyada kala duwan ee ka soo baxaya Xubno katirsan xildhibaanada Baarlamaanka soomaliya odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan gudaha iyo dibada ee kor kala socda xaalada amaan iyo mida dhaqaale ee xiligan uu marayo Soomaaliya.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo aan wali la hor geyn heshiiskii iyo booqashadii qaadatay in ka yar mudo 4 saacadood ee uu Raisal wasaaraha Itoopiya Abi Ahmed ku imaaday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ka hadlay faaidada soomaaliya ay ka heli karto heshiis saacado kooban lagu kala saxiixday oo dowladda Itoopiya loogu wareejiyay iney maal gashato afar dakadood oo ku yaal Somaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan gali Karin xiligaan heshiis maadama uu wali gobalada dalka ka jiro bur bur, heshiiskaasi uu madaxweyne Farmaajo saxiixay ayuu Xildhibaanka ku timaamay mid lagu deg degay oo xiligaan aysan soomaaliya aheen iney saxiixdo heshiiskaas oo kale.
Mudane Sakariye Xaaji Cabdi oo sii hadlayay ayaa sido kale sheegay in dowladda Itoopiya ay dano gaar ah ka leedahay heshiishiiskaasi deg dega ahaa ee ay kala saxiixatay dowladda Soomaaliya.
Dhageyso Codka:- Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo La hadlay Idaacada Simba

