1- Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.
Kumanaan qof shacab ah iyo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu arkayay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jilib , halkaasi oo ay ku wada ciideen maamulka shabaab iyo dadka shacabka.
Salaaddii ciidda waxaa dadwaynaha tujiyay islamarkaana khudbadda ciidda u akhriyay gudoomiyaha gobalada Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abu Cabdallah.
2- Sidee Looga Ciiday Degmada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan
Magaalada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan oo kamid ah meelaha Al shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa la dareemayay ciidul Firiga ,iyadoona bulshada ku dhaqan magaalada ay fagaara weyn ku dukadeen Salaada Ciidul Fidriga, iyaga iyo maamulka , dagaalamayaasha dhaq dhaqaaqa Al shabaab.
Waxaa sido kale dadka ku dhaqan halkaasi ay isugu soo baxeen dhoolatusyo ay sameynayeen ciidamo taabacsan Al shabaab oo kamid ahaa dadkii maanta ku ciiday degmada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan.
3- Sidee Looga Ciiday Degmada Saakoow ee Gobalka Jubadda Dhexe.
Fagaare weyn oo ku yaalla magaalada Saakow ayaa lagu arkayay Caruur badan oo xiran dharka ciida gacmahana ku wata agabka ciida kuwaa oo marayay wadooyinka degmada Saakow.
Mas’uuliyiin katirsan dhaq dhaqaaqa Al shabaab ayaa dadka la hadlayay iyagoo hadalada halkaasi ka soo jeediyeen ay kamid ahayeen dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
4- Sidee Looga Ciiday Degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud
Barax weyn oo ku taal magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud oo kamid ah meelaha ay maamulaan Xarakada Al-shabaab ayaa sido kale laga oogay isku soo baxa fantastiyaha ciidul fidriga.
Al shabaab masoo bandhigin degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud masuuliyiinta ugu magacaaban iney dadka dujiyeen salaada iyo sido kale in xubno kalo ka tirsan Al shabaab goobta ay xaadireen, balse sawiro lasoo qaaday ayaa muujinayay qaabka looga ciiday degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud.


















