Dowladda Oo Laga Dalbaday Iney Bur Buriso Maxkamadaha Al Shabaab Ee Sh/Hoose (Dhageyso)

0

Xildhibaan katirsan aqalka hoose dalka ayaa ka hadlay ciidamada isku dhafka ee dhawaan la qorsheynayo in la geeyo deegaano iyo degmooyin katirsan wadada isku xirta afgooye iyo Baydhabo.

Shirkii golaha amniga ee ka dhacay baydhabo ayaa waxaa ka mid ahaa qodabadii laga soo saaray in ciidan isku dhaf ah la geeyo wadadaasi, si wax ay kaga qabtaan xoogag katirsan Al-shabaab oo inta badan weeraro dhaba gal ah ay kala kulmaan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo katirsan xubnaha Aqalka hoose oo la hadlay maanta Idaacada Simba xarunta magaalada muqdisho ayaa ka hadlay ciidanka isku dhafka ee loo diyaarinayo iney la wareegaan amaanka wadada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay caqabada ugu badan ee wadadaas ka taagan iney ka mid tahay laga soo bilaabo degmada Wanlaweyn ilaa degmada buurhakaba iney joogaan oo wadada ay soo galaan ciidan ka amar qaata Xarakada Al-shabaab, halka laga bilaabo Afgooye ilaa Wanlaweyn ay joogaan ciidanka Military-ga Soomaaliya oo inta badan halkaasi ku  dhibaateeya shacabka saaran gadiidka dad weynaha.

Mudane Xasan Cabdi oo sii hadlayay ayaa sido kale sheegay dhibaatada halkaasi ka jirta iney kamid tahay shacabka ku dhaqan degmada afgooye iyo deegaanada ku hareereesan iney dacwadahooda u aadaan maxkamada Al shabaab, arintaana ay tahay caqabad taagan oo loo baahan yahay Al-shabaab in laga xureeyo deegaanadaasi si shacabka ay u joojiyaan aaditaanka maxkamada Xarakada Al-shabaab.

Dhageyso Codka:- Xildhibaan Xasan Cabdi Oo Ka Hadlaya Arimahaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here