Wasaaradda Maaliyada Oo 5,000 Kun Askari Qaab Akoon Ahaan U Siiyay Mushaaraadkooda

0

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Wasaarada Maaliyada bishii la soo dhaafay.

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta ay mushaar siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Waxa uu tilmaamay in askartaasi dhamaantood loo sameeyo Akoono bil walbo lacagta logu shubayo oo aysan dhici doonin in taliyaashoda loo marsiiyo.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.

Wasiirka ayaa waxa uu xusay in Safiirada ay kula xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana doonayo in ay dowladda la wadaagaan.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay kulamo uu Nairobi kula yeeshay hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo dowladdaha qaar ee dhanka dhaqaalaha ka taageero dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso soo saarista lacagaha Shilling Soomaaliga, wasaaraduna ay wado dadaaladii ugu dambeeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here