Madaxweynaha Jubbaland Oo Nairobi Kula Kulmay Gudiga Dib U Eegista Dastuurka “Sawirro”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

mudane Axmed Islaam ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidookalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa.

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maal mahii ugu danbeeyay waxuu kulamo gaar gaar ah la lahaa masuuliyiin katirsan Baarlamaanka Kenya, habeen hore sidaan oo kale waxuu kulan la qaatay xildhibaano katirsan baarlamaanka dowladda Kenya.

Kulankii dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho ee looga hadlayay dib u eegista tastuurka dalka, madaxweynaha Jubbaland kama mid aheen madaxdii ka qeyb gashay, balse waxuu soo diray wasiir katirsan xukuumadiisa oo kulanka ka qeyb galay, inkastoo qaar kamid ah warbaahinta soomaaliya ee shaki galiyeen soo xaadiris la aantiisa kulankaasi looga hadlayay dib u eegista tastuurka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here