Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , ayaa xalay kormeeray Xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta gaadiidka C.B.S, Dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye iyo Xarunta Caruurta Agoonta.
Taliyaha iyo guddoomiyaha, ayaa u kuur galay sida xilliga habeenkii ay shaqeeyaan xarumahaasi, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Ciidanka iyo Saraakiisha Madaxda ka ah xarumaha ay kormeereen, iyaggoo ka wareystay shaqada ay hayaan iyo howlaha nabad gelyada Caasimada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow, ayaa Xarunta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kula afuray Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska, Ciidanka iyo Caruurta xaruntaasi lagu barbaarinayo.








