Kenya oo Baahisay Sawirada Rag Iyo Dumar Fulin Raba Weeraro Argagaxiso (Akhriso Magacyada)

0

Ciidamada Booliska dalka kenya ayaa sheegay in ay radiyaan dad looga shakisan yahay in ay weeraro ka fulin rabaan gudaha dalkaasi kenya iyadoona saraakiisha amaanka dalkaasi ay ugu baaqeen ciidamada amaanka deeganada dhaca waqyooyi bari dalkaasi in ay kadigtoonaadaan weeraradaasi dadkanoo  looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Laamaha amaanka dalka kenya ayaa dadkan magac yadooda waxaa ay kukala sheegeyn Ibrahim Mohammed, Shariif Li Kului, iyo gabar magaceeda lagu sheegay  Mumina Eroba, Abdiwahab Osman Ahmed iyo sidoo kale  Ahmed Dabar kuwaa oo qaar kamid ah dadkaasi sawiradooda lagu baahiyay baraha bulshada looguna baaqay dadka kunool guud ahaan kenya in ay soo sheegaan hadii ay arkaan dadkaasi katirsan Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale ciidamada amaanka kenya ayaa sheegay in raggan uu hogaaminayo Ibrahim Mohamed kuwaa oo sida ay shegeyn ilaha sirdoonka kenya ay ka heleen xoggo ku’aadan raggan in ay qorsheeneyaan weeraro inta lagu guda jiro bisha barekesan ee ramadaaan in ay ka geystaan goobo muhiim ah o kuyaala gudaha dalkaasi Kenya.

Mid kamid ah raggan looga shakisan yahay Al-shabaab ee usoo talaabay kenya kaa magaciisa lagu sheegay Ahmed Dabar ayaa ciidamada amaanka dalkaasi ay shegeyn in uu kamid ahaa ardeyda dhigata mid kamid ah schoolada kuyaala degmada wajer gaara ahaan madaraso lagu magacaabo Muad isagoona sidoo kale ku lug lahaa sida sheegeyn ciidanka kenya weerar lagu qaaday macalimiin wax kabara schoool lagu magacaabo Qarsa oo kuyaala Dagmada Wajer ee waqooyi bari dalka kenya

Ciidanka dalkaasi kenya ayaa sare usii qaaday howl galada looga hortagayo xubnaha katirsan Al-shabaab ee usoo talaabaya dalkaasi, iyadoona masuuliyiinta ugu sareysa dalka kenya ay xoojinayaan amaanka dalkaasi inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan

Dhawaan ayey aheyd markii saraakiisha ciidamada Booliska kenya ay amar ku bixiyeen in ciidamo farabadan lageeyo xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo kenya si loo ilaaliyo amaanka gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here