Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxmed ABuukar Islow Ducaale iyo saraakiisha ciidamada Qalabka sida.
Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan,si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.
Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Somaaliya,isagoo guddiga faah faahin ka siiyay amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxmed ABuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada,islamarkaana ay ka go’antahay sidii loo dardargelin laha xoojinta amniga.
Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maal mahii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo lagula kacayay ciidamada Amaanka, xalay waxaa magaalada muqdisho weerar isku day dil ah ka bad baaday Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.





