Maamulka degmada hodan ee magaalada muqdisho ayaa war kasoo saaray amar Al-shabaab la sheegay iney ku soo rogeen goobo lagu ciyaaro kubada cagta uu ku yaal gudaha degmadaasi Hodan.
Taliska ciidamada Booliska saldhiga hodan ayaa faah faahin ka bixiyay wararkaasi duul duulka ah ee dadka deegaanka hadal hayaan oo sheegaya in gabi ahaanba albaabada la isugu dhufay sadax salax oo ku yaal gudaha degmada hodan, gaar ahaan salaxyo banooniga lagu ciyaaro oo yaal Xaafada Shiirkoole.
Abdifitaax Bashiir Cali Mire taliyaha saldhiga hodan oo la hadlay Idaacada simba ayaa sheegay in arintaasi ay tahay been abuur oo aysan jirin salax lagu ciyaaro kubada cagta oo amar kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab lagu xiray, sida hadalka uu u dhigay taliyaha booliska degmada Hodan.
Inkastoo aynan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan amar dhankooda ah in lagu joojiyay ciyaartii lagu qaban jiray Salaxa shiirkole, iyo salaxyo ku yaal degmooyinka gobalka Banaadir, ayaa hadana waxaa laga dheehan karaa haawashada garoomankaasi shiirkole oo aynan jirin dhalinyaro isugu imaaneysa si halkaasi ay ugu ciyaaraan xiligaan oo kale bisha Ramadaan tartamo kubada cagta ah.
Gudiga isboortiga Salaxa weyn ee shiirkole ayaa Radio Simba u xaqiijiyay in labadii maalin ee ugu danbeysay aan wax tartan ah lagu qaban gudaha salaxa sababa la xiriira amar dhanka Al-shabaab oo jira.
Waxaa sadaxdii maalin ee ugu danbesay laga hadal hayay gudaha degmada hodan iyo degmooyinka kale ee G/ Banaadir in albaabada la isugu dhuftay garoonka weyn ee xaafada shiirkole ee degmada Hodan.
Dhageyso Codka Taliyaha Booliska Saldhiga Hodan Oo Simba La Hadlay

