Howlgalka AMISOM Oo Wajahaya Halis Uusan Ka Soo Kaban Doonin (Akhriso)

0

Sida uu daabacay wargeyska Dailynation ee ka soo baxa dalkaasi Kenya ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira AL-shabab uu haatan lugaha lasii galayo xaalado halis ah sida laga xigtay mamuuliyiin katirsan dowlada dalkaasi Kenya.

Ciidamada kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa mudo dhowr sana ah ladagaalamayayXogaga Al-shabaab kuwaa oo qeyb  ka ah howl galka nabad ilaalinta ee ciidamada Amisom ee ka howl gala dalka si ay ugarab istaagaan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale wargeyka Dailynation ee kasoo baxa Kenya ayaa warbixntan waxaa uu kusheegay in laga yabo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Amisom ee kadib nacaan sanada 2020ka maadaama dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo haatan wajiyo kala duwan yeelanaya iayadoona golaha amaanka ee Qaramada Midoobey qorshahooda uu yahay in Amisom guud ahaan amniga Soomaaliya ay kuwareejiso ciidamada dowlada Soomaaliya bartamaha sanada 2020ka.

General Tai Gituai oo ah taliyaha ciidanka Kenya ee qeybta ka ah  howlgalka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegay mudadii ay ciidamada Amisom kusugnaayeen gudaha dalka ay hormaro dhanka amniga kasameeyeen .

Ciidamada Kenya ayaa loo soodiray Soomaaliya sanadii 2012dii kadib markii midowga Africa iyo Qaramada Midoobey ay ka cod sadeen in ay siiyaan ciidamo kuwaa oo qeyb ka noqda ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya, balse waxii xiligaa ka danbeeyay ciidamada Al-shabaab ayaa u kaba geshtay  askarta Kenya ee ku sugan soomaaliya, kuwaa oo ku qaaday weeraro dhiig badan uu ku daatay.

Dalalka Uganda, Kenya, Djibouti, Ethiopia, ciidamo ka socda ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah ciidanka midowga Africa ee Amisom oo dagaal kala soo hor jeeda ciidamada Xarakada Al-shabaab ee ka amar qaata Alqaacidda  ee fadhigeedu yahay gudaha dalka Afgaanistan iyo dalal kale ee caalamka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here