Madaxweynaha Soomaaliya Oo u Duulay Dalka Qatar (Ogow Sababta)

0

Madaxweynaha Jamhooriyadda Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Maxamed C/llaali Farmaajo oo magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood ayaa la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar , waxaana uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, isagoo la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar. waxaana Socdaalkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wassirada oo iyagana kulan la qaadan doona dhiggooda Qadar” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here