Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarashada loo simanyahay ee Soomaliya (EFASOM) ayaa magaalada muqdisho ku qabtay munaasabad Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada.
Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay masuuliyiinta ugu sareysa Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarashada loo simanyahayee Soomaliya (Education For All Somalia – EFASOM), waxaana loogu magac daray sanadkan “ILAALI BALANTA Oo MAALGELI WAXBARASHADA”.
Masuuliyiin Maamulayaal iyo Macalimiin lagu casuumay munaasabada ayaa waxaa ay halkaasi kasoo jeediyen hadalo wax tar leh, oo u badnaa dhiira galin ah in la iska kaashto sara u qaadida waxbarashada.
Gudoomiyaha Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho loo simanyahay Soomaaliya iyoMaxamuud Cabdi maxamuud Agaasimaha ururka Aadan Maxamad ayaa siwadajir ah waxa ay u faah faahiyeen muhiimada uu kulankaan u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed.
munaasabada Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada inta ay socotay ayaa waxaa si wada jir ah looga soo saaray Warmurtiyeed mira dhal ah oo quseeya sara u qaadida arimaha waxbarashada.
Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho loo simanyahay eee Soomaliya (Education For All Somalia – EFASOM) ayaa ah urur wacyi galin iyo sara u qaadista arimaha wax- barashada dalka ka qeyb qaata, waxuuna inta badan gobalada dalka ku qabtaa munaasabado kala duwan oo kor loogu qaadayo tayada iyo hanaanka waxbarashada uu marayo dalka Soomaaaliya.













