Maxuu Yahay Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Aqalka Sare Iyo Wasiir Hor Tagaya

0

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abuukate Xuseen Xasa Xaaji ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maanta Xildhibaanada Aqalka sare Ee Dalka Uu Hor-geeyo Sharci La Dagaalanka Masuq-Maasuqa.

Wasiirka ayaa Xildhibaanada Hor-geenayo sharcigaasi La Dagaalanka Musuq-Maasuqa oo ay Soo Diyaarisay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaliya.

Sanatorada Ayaa Akhrinta Kowaad Maanta Marin-Doona Iyadoo Dib Loogu soo Celin Doona Si ay u ansixiyaan.

Sharcigan ayaa Waxaa Horay usoo ansixiye Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya.

Dhowr isbuuc ka Hor ayeey aheed Markii Guddiga joogtada ah Ee Sanatorada Aqalka sare Ee Dalka ay u yeereen Wasiirka Cadaalada Abuukate Xuseen Xasa Xaaji Si Wax Looga Weydiiye Wada-Shaqeynta Wasaarada iyo Kuwa Maamul-Goboleedyada Dalka iyo sidoo Kale Sidii iyadoona Xildhibaanada Golaha shacabka La Horgeen Sharciga Ladagaalanka Musuqa Loogu Soo Gudbin lahaa Aqalka sare Madaama Golaha shacabka ay Ku jiraa Doorashada.

Ajandaha Kulan Sanatorada Aqalka sare ayaa Maanta Waxaa Uu Yahay Sharciga La Dagaalanka Masuq Maasuqa.

Sharcigan ayaa Hadii ay ansixiyaan Golaha Aqalka sare Waxaa ay si toos ah ugu tageeyaa Madaxweynaha iyadoo Marka uu saxiixo La dhaqan Galin-Doona.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here