Taliyaha Ciidanka Soomaaliya oo ka Qeyb Galay Shirka Talisyada Ciidanka Africa Iyo Mareykanka (Sawirro)

0

Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa  kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Madaxda labada dhinac, ayaa  kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka,  kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Urur-weynaha AlQaaciida faraciisa Soomaaliya ee Xarakada Alshabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here