Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gadiid maanta lagu kala dhacay deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Maleeshiyaad kasoo kala jeeda magaalooyinka Hoyo iyo Cadaado ayaa lagu waramayaa in maanta ay kala dhaceen laba gaari oo xamuul ah, kuwaasi oo ay wateen dad shacab ah, balse ku heyb ah maaleshiyada midba midka kale ay xiisada kala dhaxeyso.
Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan gadiidka la kala dhacay ayaa sheegaya in mid kamid ah, lala aaday deegaano hoos taga degmada Cadaado, halka midka kale loola cararay magaalada Gaalkacyo.
Ilo hoose oo xog ogaal ah laguna kalsoonaan karo ayaa Radio Simba u sheegay in gaariga koowaad lagu dhacay deegaanka wargalo, halka kan kalana lagu dhacay tuulooyin hoos yimaada degmada Hobyo.
Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in mid ka mid ah gadiidka xamuulka ah ee la dhacay uu lahaa Gudiga dhismaha wadada xiririsa degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay mamulka masuuliyiin katirsan maamulka Mudug ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah inaga siiyaan gadiidka maanta lagu kala dhacay deegaanadaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maanta halkaasi laga dareemayo xiisad dagaal, maadama labada maleeshiyo midba midka kale uu baadi goob ugu jiro sidii uu dib ugu heli lahaa gaarigiisa.

