Villa Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado Magacaabista 11 Safiiro Wadan

0

Waxaa maanta oo kale oo khamiis ah ka qabsooma Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulanka xubnaha Golaha Wasiirada ee uu shir gudoomiyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka maanta ayaa wararka waxa ay sheegayan in lagu soo magacaabi doono safiiro cusub oo dowladda soomaaliya u fadhin doona 11 wadan oo saaxibo dhaw ay yihiin dowladda Soomaaliya.

Shirka golaha wasiirada ayaa wararka waxey intaasi ku darayaan in xubnaha safiirada la saadaalinaayo in maanta la magacabaayo ay u badan yihiin, wadamada dhawaanahan uusa u joogin wax danjira ah maadaama, qaar kamid ah horey xilalka safiirnimo looga qaaday iyo kuwa uusa u joogin wax safiir ah.

Lama oga hanaanka loo mari doono magacaabistaasi, iyo sido kale waxa dib kasoo bixi kara.

Waxii kusoo kordha Warkaasi Kala Soco www.simbanews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here