Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Puntland ay wado daan daansi cad aan loo dulqaadan Karin.
Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliland ayaa sheegay in gaari dagaal oo ay leedahay Puntland uu u soo ruqaan saday dhanka saldhig ciidamada Somaliland ay ku sugnayeen, gaariga dagaalka oo ay saarnayeen sida Taliyaha sheegay hubka cul culus, rasaasna lagu soo furay ciidamadii aaga ku sugnaa, balse Alle mahadiisa aysan jirin cid wax ku noqotay rasaastaasi laga ridayay qoray Dashiikha ahaa.
sido kale Taliyaha ayaa tibaaxay iney arintaani tahay mid lagu abuurayo xiisad dagaal, balse aysan ilaa iminka garan in maamulka Puntland uu la qabo daan daansiga iyo iney yihii rag xiisad abuur ahaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya iney hada xaalada degan tahay, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan labada ciidan Soomaaliland Iyo Maamulka Puntland.

