Wasiir Oomaar oo Istanbul kula Kulmay Madaxda Shirkadda Turkiga Airlines +Sawirro

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kullan kula leh madaxda shirkadda duulimaadka ee “Turkish Airlines”

Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.

Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir “Oomaar” uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomaar” oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.

Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya  laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir “Oomaar” la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here