Waxaa maanta gudaha magaalada muqdisho lagu aasay, wasiiru dowlahii wasaaradda amniga Koofur Galbeed,iyo Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle iyo laba kamid ahaa ilaaladooda, oo maalintii shalay aheyd lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Waddada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.
Aaska wasiiru dowlaha xildhibaanka iyo laba askari ee ilaalada u ahaa, ayaa waxaa maanta lagu aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho , waxaana kasoo qeyb galay aaskooda madax katirsan dowladda soomaaliya, iyo mas’uuliyiin katirsan maamulada ay kasoo kala jeedeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al-shabaab ayay ku sheegtay in ay dishay C/qaadir Baraf oo ahaa wasiiru dowladda Amniga koofur galbeed iyo Kabaweyne oo katirsanaa xildhibaanada Hirshabeelle.
Al Shabaab waxay sheegtay in Mas’uuliyiinta labeegsaday ay soo abaabuleen weerar Bishii Janaayo ka dhacay deegaanka Jameeco Jilyaale oo ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Carruur wax ka baraneysay Machad islaami ah oo halkaasi ku yaalay arintaasina ay ka danbeysay dilka mas’uliyiintaasi.



