Maxaabiis Goor Dhaw Laga Soo Dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho “Sawirro”

0

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho kasoo degay maxabiis soomaali ah oo laga soo sii daayay xabsiyada gudaha dalka Liibiya.

Maxabiistaan oo gaareysa ilaa 13 ayaa goordhaweyd diyaarad waday waxey kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan cade ee magaalada caasimada ah ee muqdisho, kadib xalay markii ay ku hooydeen magaalada Istanbul ee dalkaasi turkiga.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda somaaliya ayaa maxaabiistaasi kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxeyna sheegeen iney maxabiistaan yihiin kuwa doortay in dalkooda dib loogu celiyo, balse ay jiraan dhalinyaro kale oo diiyay in dib dalkooda loogu celiyo.

Maxabiistaan ayaa waxaa laga soo dayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, waxaana sido kale jira maxaabiis diiday iney dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna dalbadeen iney sii joogaan gudaha liibiya.

Daawo Sawiradda Maxaabiistaasi Muqdisho  Laga soo dajiyay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here