War goordhaw naga soo gaaray mid kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in halkaasi lagu dilay darawalkii gudoomiyaha degmada kaxda ee magaalada Muqdisho
Goobjoogayaal ayaa Idaacada Simba u sheegay in goordhaw degmada hodan lagu dilay darawalkii gudoomiyaha degmada kaxda oo la sheegay inuu dilkiisa ka danbeeyay askari katirsan ilaalada gaarka ee gudoomiyaha degmada kaxda ee gobalka Banaadir Maxamed ismaaciil cabdullaahi.
War qabadka Idaacada Simba oo xiriir la sameeyay gudoomiyaha degmada kaxda Maxamed ismaaciil ayaa ka jawaabin taleefanadii aynu kala xiriirnay si aan wax kaga weydino dilka darawalkiisii loo geystay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dilka darawalkii gudoomiyaha degmada kaxda oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab, kaa oo goordhaw askari ku dilay degmada hodan ee gobalka banaadir.
Sababaha ka Danbeeya Dilka Darawalkii Gudoomiyaha Degmada Kaxda iyo waxii Kusoo Kordha Kala Soco Halkan WWW.SimbaNews.com

