Wararka ka imaanaya tuulada Falariyaale oo qiyaastii ku dhowaad 60 km u jirta magaalada Garowe, ayaa ku waramaya in tuuladaasi uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay shilkaan ayaa waxaa ku geeriyootay, 2- qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.
Ruux Mid kamid ahaa dadkii shilkaasaasi ku geeriyooday oo lagu magacaabo Jaamac Maxamuud Maxamed loona yaqaanay (Carwo Qudhaab), ayaa ahaa ganacsade caanka ahaa magaalada Garowe, isagoo ahaa wareejiye miraha la cuno ee dalka kasoo baxo, sida Hohobta iyo Sabiibka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in si aad ah looga dareemay magaalada Garowe dhimashadiisa, isagoo ay sheegeen in lagu xasuusan doono in uu ahaa ganacsade leh hal-abuur bulshaduna aad u jecleyd islamarkaana muddo kooban ugu caan baxay magaalada garoowe iyo deegaanada hoos yimaada.


