Muqdisho:- Ciidanka Dowladda oo Wadooyin Hor Leh Xiray “Ogow Sababta”

0

Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa waxay saakay xireen dhaq dhaqaaqii guud Ee wadooyinka muhiimka ah iyo kuwa kale ee dhax mara degmooyinka gobalka banaadir.

Waxaa la arkayaa ciidamo hubeysan oo xiray wadooyinka Shaqaalaha, wadada warshadaha iyo wadooyinka kale, waxaana gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan Halkaasi, oo ciidamada dowladda ay ku amrayeen ineysan ku socdaali karin wadooyinkaasi.

Shacabka oo lugeenaya ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi ciidamada dowladda sakay ay xireen oo gaadiidka inay adeegsadaan ay ka mamnuuceen.

Saraakiisha ciidamada amaanka soomaaliya oo Idaacada Simba ay la xiriirtay ayaa sheegay in wadooyinkaasi maanta loo xiray sugida amniga magaalada muqdisho, sida saraakiishu sheegeen.

Ilo hoose oo Simba ay heleyso ayaa sheegaya sababta loo xiray wadooyinkaasi iney tahay wafdiga uu hogaaminaayo Ra’sul wasaare ku xegeenka dalka Turkay-ga oo lagu wado maanta inuu soo gaaro magaalada caasimada ah ee muqdisho, lagana dareemayo magaalada soo dhaweynta wafdigaasi.

dhanka kale waxaa xiritaanka wadooyinkaasi ay kusoo beeg meysaa iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maanta lagu qabanayo munaasabada lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Asluubta soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Muqdisho waddooyin ka mid ah la xiro dhowr jeer ayaana sidaan oo kale la xiray oo dadka iyo gaadiidka loo diiday wadooyinkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here