Dowladda Soomaaliya oo Kaalinta 1-aad Ka Gashay Wadamada Ugu Musuq Maasuqa Badan Caalamka

0

Hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa ee fadhigeedu ugu wayn yahay magaalada Berlin, ee dalka Germelka ayaa soo saartay, warbixin sheegaysa wadamada dunida ugu musuq maasuqa badan, ayadoona Somaliya lagu arkay safka hore ee liiskaasi.

Wadamada ugu horeeyo ee musuq maasuqa ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa ka hortagi waayay ladagaalanka, iyo ka hortaga musuq maasuqa, ayadoona xogtani ay soo aruuriyeen wariyaal iyo qubaro xog’ogaalo ah oo ku sugan wadamada ay ka jiraan musuq maasuqa.

Xog u ruurintaan ayaa laga sameeyay 180 wadan ayadoona qiimayn lagu sameeyay heerarka musuq maasuq uu gaar sii sanyahay xarumaha iyo hay’adaha dowliga,.

Sida laga soo xiganayo qubarada iyo ganacsada yaasha xogtan sameeyay ayaa waxa ay u isticmaaleen, nambaro gaaraya 0-100, ayagoona carabaabay in 0 ay u dhiganto wadamada ugu musuq maasuqa badan, halka 100’na ay u dhiganto wadamada ugu wanaagsan.

Waxaana sanadkan xogtan wadamada ka soo muuqday sadax meelood labo meel ay ka hooseeyaan 50 oo dhiganto in wadamada dunida ku yaal badan kood ay sameeyaan musuq maasuq aad u badan.

Sanadkan waxaa wadamada ugu wanaagsan dhanka ladagaalanka musuq maasuqa kaalimaha horay ka galay wadamada, New Zealand iyo Denmark kuwaas oo aruursaday dhibco gaaraya 89 — iyo 88.

Halka wadamada Syria, South Sudan afganistan iyo Somalia ay noqdeen wadamada ugu liito dhanka ka hortaga musuq maasuqa kuwaas oo aruursaday dhibco u dhaxeeyo 14, 12, illaa iyo 19.

Warbixinta ka soo baxday, Hay’adda ladagaalanka musuq maasuqa ayaa tilmaamtay in wadamada ugu wanaagsan dhanka ladagaalanka musuq maasuqa in ay yihiin wadamada ka soo jeeda galbeedka Yurub kuwaas oo cel celis ahaan helay 66 dhibcood.

Laga soo bilaabo sanadkii 2012 dhowr wadan ayaa horumar balaaran ka sameeyay dhanka ka hortaga musuq maasuqa wadamadaas oo ay kamid yihiin, Côte d’Ivoire, Senegal and iyo United Kingdom, halka wadamada Syria, Yemen iyo Australia’na Ayagana ay sameeyeen hoos u dhac badan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here