Al-shabaab Iyo Ciidamo Mareykan Ah oo Ku Dagaalamay Deegaanka Baqdaad

0

Wararka ka imaanaya deegaanada kala qeybiya gobalada shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi ay ku dagaalameen Dagaalyahano katirsan Al-shabaab iyo askar Mareykan ah.

Wararka ka imaanaya shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weeraro dhabbagal ah lala eegtay ciidamo isugu jiray Amisom iyo Mareykan, oo dhaq dhaqaaqyo ka waday halka ay iska galaan labada shabeelle.

Goobjoogayaal ayaa Idaacada Simba u sheegay iney arkayeen kolonyo ciidamo cadaan galbinayay oo marayay agagaarka deegaanka Baqdaad, halkaasi oo markii danbe ciidamo Al-shabaab ah weerar dhaba gal ah ku qaadeen kolonyadaasi, balse aysan kala garan Karin khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhaba gal ahaa oo ciidamadoodu ku qaadeen ciidamo mareykan ahaa, uuka dhashay khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo soo gaaray sida hadalka ay u dhigeen ciidamadii gaarka ee Mareykanka iyo kolonyadii kale ciidamadii ee Amisom ee galbinayay.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weerarka dhabagalka ahaa ee ka dhacay deegaanka Baqdaad ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamadii la kulmay weerarkaasi, ay sameynayaan howlgalo mlilitari oo la sheegay iney kula wareegeen tuulooyin hoos taga deegaanka Baqdaad ee gobalka shabeellaha dhaxe.

Waxii kusoo kordha dhaq dhaqaaqaasi ciidamada mareykanka iyo kuwa Amisom ay ka wadaan deegaanada kala qeybiya shabeellooyinka waan idinla soo wadaagi doonaa………………

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here