Madaxweynaha Jubba-land oo Furay Shir Loogu Hadlaayo Xureynta Deegaanka Jubba-land+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 19 Feb, 2018 waxaa uu furay Shir lagaga hadlayo dardar galinta howlaha dib u xoraynta deeganada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah lagu gorfayn doono inta uu la egyahay diyaar garowga dhinacyada kala duwan iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa hananka howlgalkan oo la doonayo in Al-Shabaab lagu soo afjaro.

Shirkaan waxaa  ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka Soomaliya, AMISOM, Saraakiil Mareykan ah, Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano ka Tirsan Jubba-land,waxaa dhowr jeer oo horey dib u dhacay howlgal uu ku dhawaaqay madaxweynaha jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here