War Deg Deg Ah:- Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Sawirro

0

Qarax xoogan ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay Degmada Waabari ee magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa ayaa si aad ah waxa loogu maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka qaraxaasi uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, wararaka qaar ayaa sheegaya qaraxaasi in uu ka dhacay gaariga gudahiisa oo loo maleynayo in markii horeba lagu dhax diyaariyay qaraxaasi,kaasi oo yaalay  xaafadda Via Liberia gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Maleyka.

Ruuxa qaraxa gaarigiisa lagu soo dhax diyaariyay ayaa lagu soo koobay magaciisa maxamed, ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Simba u sheegay in ruuxaasi uu ka tirsanaa dowladda soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa idaacada Simba u sheegay in qaraxan uu ka dhacay isgoyska shaqaalaha gaar ahaan dhanka wadada aada Flayberiya ee degmada waabari, balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay gaariga gudahiisa oo loo maleynayo in markiisa hore in lagu soo dhax farsameeyay.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, balse xiriiro kala duwan oo ay idaacada Simba la sameysay saraakiisha sirdoonka dowladda soomaaliya ayaan ka jawaabin Talaafanadooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here