Dowladda Kenya oo Xabsi Dhimis u Samaysay Nin Horay Uga Tirsanaa Al-shabaab

0

Ninkan oo 35 jir ah ayaa waxa lagu eedeeyay in uu horay uga tirsanaan jiray xarakada Al-shabaab 6 sano ka hor intii aysan dowladda kenya gacanta ku soo dhigin.

Elgiva Bwire Oliacha oo horay maxkamad ku taalo dalka Kenya ay ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ayaa haatan waxaa xabsi daa’inkaas loogu badalay 15 sano oo xarig ah.

Oliacha ayaa lagu eedeeyay in uu Xarakada Al-shabaab kala qayb qaatay weeraro dhowr, sida weerar uu ka gaystay gudaha caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyo sidoo kale weerarkii “Kaka Bus” ee dhacay 24’kii October sanadkii 2011.

Markii la soo qabanayay  Oliacha  waxa uu ku suganaa guri ku yaalo deegaanka kayole, waxaana la sheegay in sidoo kale gurigiisa laga helay qori nuuca Ak47 ah.

Oliacha ayaa la sheegay in uu qaatay diinta islaamka sanadkii 2005 asagoona isku day in uu si dhaqsi leh ugalo Somaaliya si uu ugu biro Al-shabaab ka dagaalama Soomaaliya.

Cadeemo farabadan oo loo waayay ninkan ayaa sababtay in maxkamada sare ee dalka Kenya ee fududayso xukunkii horay loogu riday Elgiva Bwire Oliacha oo ahaa xabsi daa’in iyadoo haatan ugu badashay 15 sano oo xarig ah inuu ku qaato xabsiyada kenya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here