Maxey Ka Wada Hadleen Waare Iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Hirshabelle Ku Matala Dowladda Dhaxe “Sawirro”

0
Madaxweynaha Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare IYO qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo Sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe.

 

Madaxweynaha Hirsahebeelle Dr; Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo Xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hirshabeelle iyo wada shaqeynta hey’adaha caalamiga.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in Xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda Dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan mamulka jira.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, uguna baaqay inay qaataan doorkooda ahla shaqeynta bulshada ay matalaan.

 

Sidoo kale qaar ka mid Xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha, si loo hormariyo maamulka gobaleedka Hirshabeelle soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale uu kulamo kula qaatay qaar ka mid diblomaasiyiinta beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin horumarinta Hirshabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here